DHEGEYSO:Odayaasha Tana River oo soo dhiibay hub kale oo sharci darro ah

0
260

Qaar ka mid ah shacabka deegaannada ismaamulka Tana River ayaa bilaabay inay si iskood ah u dhiibaan hub sharci darro ah, iyada oo qayb ka ah olole ay dowladda hoggaaminayso oo lagu doonayo in lagu yareeyo rabshadaha lana xoojiyo nabadda deegaanno muddo dheer ay ka jireen xiisado amni.
Odayaasha dhaqanka beesha Oromo ayaa hal qori oo nooca AK-47 ah ku wareejiyay saraakiisha ammaanka taasoo ay sheegeen inay qayb ka tahay howlgalka lagu xasilinaayo deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegeen in tallaabooyinkan lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha u dhexeeya bulshooyinka xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid yihiin Oroma iyo Pokomo, kuwaas oo muddo dheer ku muransanaa daaqa, biyaha iyo hubka.
Dowladda ayaa carrabka ku adkeysay in mudnaanta la siinayo is dhiibidda ikhtiyaariga ah, balse ay u wareegi doonto ururin qasab ah haddii hubka sharci darrada ah uu weli ku sii jiro gacanta dadweynaha markii ay dhammaato muddada cafiska.