Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka oo amaanay doorka Kenya ee dhexdhexaadinta Gobolka iyo dadaallada ammaanka caalamiga ah

0
220

Jarmalka ayaa mar kale adkeeyay sida uu uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Afrika, isagoo amaanay Kenya doorkeeda hoggaamineed ee dhexdhexaadinta gobolka iyo ka qaybgalka dadaallada ammaanka caalamiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka ayaa Arbacadii sheegtay in ammaanadaas ay timid ka dib wadahadallo laba geesood ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Dr. Johann Wadephul la yeeshay madaxa golaha wasiiradda ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba joogta Musalia Mudavadi.
Dr. Wadephul ayaa aqoonsaday taageerada Kenya ee howlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah, oo ay ku jirto ka qaybgalkeeda howsha ammaanka ee ay Qaramada Midoobay ka wado Haiti. Waxaa uu sidoo kale amaanay ka qaybgalka Kenya ee nabadda Suudaan, Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), iyo Soomaaliya, iyo doorka ay ka qaadato ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee sharciga ku dhisan.
Inta lagu guda jiray booqashada, labada dhinac ayaa sidoo kale diiradda saaray xoojinta xiriirka dhaqaale, gaar ahaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee tamarta la cusboonaysiin karo, hydrogen-ka cagaaran, beeraha, dijitaleynta, iyo horumarinta xirfadaha.
Wadashaqeynta Kenya iyo Jarmalka ee ku saabsan Shaqada iyo Dhaqdhaqaaqa Shaqaalaha ayaa loo arkay guul muhiim ah, iyadoo fursado shaqo oo xirfad leh loo abuurayo Kenyaanka isla markaana lagu daboolayo baahiyaha shaqo ee Jarmalka.