KenGen oo xaqiijisay inaysan jirin wax dhaawac ah kaddib dab ka kacay matoorada dabaysha ee Ngong

0
487

Shirkadda soo saarista korontada ee KenGen ayaa xaqiijisay in aan wax dhaawac ah ka dhalan dhacdo gooni ah oo ku lug lahayd hal matoor oo dabayl ku shaqeeya oo ku yaalla xaruunta Ngong Wind Power Facility.
KenGen ayaa sheegtay in dhacdada ay timid abaare 3:00 galabnimo ee Talaadadii shalay xilli ay socdeen howlo dayactir caadi ah oo jadwaleysan. Shirkadda ayaa caddeysay in matoorka ay saameysay dhacdadu, oo leh awood dhan 0.85 megawatt, uu horey shaqada uga maqnaa xilligaas, isla markaana uusan jirin wax khatar ah ama carqalad ku timid shabakadda korontada qaranka.
Shirkadda ayaa intaas ku dartay in dhammaan shaqaalihii goobta joogay ay si nabad ah u badbaadeen, isla markaana si buuxda loo xaqiijiyay ammaankooda ka dib dhacdada.
KenGen ayaa mar kale ku celcelisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta heerar sare oo caafimaad iyo badbaado ah dhammaan howlaha ay ka fuliso dalka.
Sidoo kale, shirkadda ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeynayso hay’adaha ku shaqada leh ee amniga iyo sharciyeynta si loo baaro waxa sababay dhacdada, loo qiimeeyo waxyeellada jirta, loona qaado tallaabooyin ka hortag ah oo looga hortago in arrin la mid ah mar kale dhacdo.
KenGen ayaa shacabka u xaqiijisay in dhammaan matoorada kale ee xaruunta Ngong ay si buuxda u shaqeynayaan, isla markaana korontada qaranka ay weli si joogto ah u socoto.