Hay’adda Madaxa-bannaan ee Kormeerka ku samaysa hawlaha Booliska (IPOA) ayaa bilowday baaritaanno ka dib dhacdo toogasho ah oo laga soo tabiyay magaalada Karatina ee ismaamulka Nyeri.
Dhacdan ayaa ayaa timid ka dib askari ka tirsan ciidamada Booliiska dalka uu toogasho ku dilay nin lagu magacaabo George Gathu Matheri.
War-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray guddoomiyaha IPOA Ahmed Issack Hassan, ayaa ku sheegay in la guda galay baaritaan ku saabsan dhacdadan .
Ka dib geeridii Matheri, dadka deegaanka ee dhibka soo gaaray ayaa xiray Wadada weyn ee isku xirta Nairobi iyo Karatina waxayna burburiyeen ganacsiyo.
Qoyska ninka la dilay ayaa dalbanaya cadaalad.




