DHEGEYSO:Qoys ku nool xaafadda Umoja oo dalbaday cadaalada ka dib markii wilkooda uu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada KDF-ta

0
423

Qoys ku nool xaafadda Umoja ee magaalada Nairobi ayaa ka codsanaya hay’adaha ammaanka in ay xiraan nin lagu eedeeyay weerarka iyo dilka wiilkooda.
Qoyska Alphy Migasha ayaa sheegay in wiilkaasi uu dhintay isagoo helaya daryeel caafimaad.
Waxaa ay sheegeen ninka wilkooda weeraray oo lagu magacaabo Nicholas Njue Ireri oo ka tirsan ciidamada militariga dalka ee KDF-ta.