Ururka kalkaaliyeyaasha oo bixiyay ogeysiis shaqo joojin oo toddobo maalmood ah

0
183

Kenyaanka ayaa looga digay in ay u diyaar garoobaan carqalad ku timaadda adeegyada caafimaadka, ka dib markii Ururka Qaran ee Kalkaaliyeyaasha uu ku dhawaaqay shaqo joojin guud oo dalka oo dhan ah, taasoo bilaabanaysa 23-ka bishan Janaayo.
Ururku ayaa bixiyay ogeysiis shaqo joojin oo soconaya toddobo maalmood, isaga oo ku eedeeyay dowladda ku guuldarreysiga hirgelinta Heshiiskii Gorgortanka Wadajirka CBA ahaa ee 2017-kii, kaas oo weli si weyn u fulin la’ inkastoo ay jireen wadahadallo iyo daba gallo socday in ka badan toddobo sano.
Cabashooyinka ugu waaweyn ayaa waxaa ka mid ah gunnooyinka shaqada iyo halista oo aan si buuxda loo hirgelin, heshiisyada CBA-da oo aan lagu dhammeystirin dhammaan ismaamullada, iyo kala duwanaansho baahsan oo ku yimid mushaharka iyo faa’iidooyinka kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya waaxda dowladda.
Ururka ayaa sidoo kale dhaliilay maamulka madaxweyne William Ruto, iyagoo sheegay in kalkaaliyeyaasha ku jira barnaamijka Caymiska Caafimaadka Guud aan loo beddelin shaqaale joogto ah oo leh xuquuq howlgab. Sidoo kale, waxaa ay sheegeen in ismaamullada ay ku guuldarreysteen hirgelinta qaab dhismeedka mushaharka cusub ee Guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC ee sanad-maaliyadeedka 2024/2025, taasoo keentay mushahar hoos u dhac sharci darro ah.
Dhibaatooyin kale oo la xusay ayaa waxaa ka mid ahaa miisaaniyad iyo deeqo aan la gaarsiin Isbitaalka Qaranka ee Mathare, taasoo saameysay howlaha isbitaalka iyo xaaladaha shaqo, iyo yaraanta ba’an ee kalkaaliyeyaasha xaruumaha caafimaadka dadweynaha, taasoo kordhisay culayska shaqo khatarne gelisay badbaadada bukaanka.
Ururka ayaa sheegay in haddii aan toddobada maalmood gudahood la helin xal cad iyo qorshe fulin, ay tallaabada xigta noqon doonto shaqo joojin guud oo ay ka qeyb qaataan kalkaaliyeyaasha dalka oo dhan. Shaqo joojintan la filayo ayaa imaneysa xilli ay dowlad deegaanka Nairobi ay ka socdaan shaqo joojinno ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee kale, kuwaas oo ka cabanaya mushahar xumo iyo dib u dhac ku yimaadda bixinta mushaaraadka.