Madaxweyne William Ruto ayaa sabtida maanta ah ku martigaliyay hoggaamiyayaasha xisbiga UDA ee ismaamulka Nyeri aqalka yar ee madaxtooyada Sagana State Lodge ee Nyeri, taasoo qayb ka ah la shaqaynta joogtada ah ee qaybaha kala duwan ee xisbiga.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta shabakadaha xisbiga, kor u qaadista isku-dubbaridka ka hor hawlaha siyaasadda mustaqbalka iyo wax ka qabashada mudnaanta mashaariicda horumarinta maxalliga ah ee ay soo jeediyaan wakiilada bulshada.
Madaxweynuhu, muddo ka dib, wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta saldhig xisbi oo firfircoon oo abaabulan kaas oo si wax ku ool ah u gudbin kara barnaamijyada dowladda iyo maqaamka siyaasadeed ee heer degmo iyo xaafad.
Kulankan ayaa qayb ka ah la tashiyo balaaran oo uu madaxweynuhu la yeelanayey madaxda UDA ee dalka oo dhan iyadoo xisbigu u wado xoojinta qaabdhismeedka gudaha iyo u diyaar garowga hawlaha siyaasadeed ee soo socda.
Madaxweyne Ruto ayaa sido kale sheegay inay barnamaijyo kala duwan oo hormar ah uu ka samayn doono Ismaamulka Nyeri. Asaga oo sido kale ka hadlay barnaamijyada maamulkiisa uu wado.




