Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay xayiraado dheeraad ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID19.
Waxaa maanta la xiray goobaha waxbarashada ee wadankaas.
Dugsiyada ayaa xirnaan doono muddo 6 toddobaad ah.
Sidoo kale waxaa la mamnuucay in badan oo ka mid ah isku imaatinka dadweynaha marka laga soo tago aroosyada iyo xafladaha aaska oo ay tiro yar ka qayb geli karaan.
Sidoo kale inta u dhexeysa 9-ka fiidnimo ilaa 4-ta aroornimo safarrada aan muhiimka ahayn looguma kala gooshi karo degmooyinka Uganda.
Waxaa dalka Uganda ilaa bartamaha bisha Toddobaad ee sanadkan ka jiraya bandow.
Hasa ahaate waxaa inta badan furan dukaamada iyo suuqyada waxaana laga doonayaa in ay u hoggaansamaan xeerarka wasaaradda caafimaadka.
Sidoo kale waxaa xiran goobaha lagu caweeyo ee dalkaasi oo ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay 52,935 oo ah xaaladaha caabuqa corona iyo dhimasho dhan 383 .