Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qorsho la sheegay in la doonayo in xilka looga qaado.
Waxaa uu xusay in aynan suurtagal ahayn in guddoomiyaha baarlamaanka xilka qaadis lagu sameeyo balse keliya lagala laaban karo kalsoonida.
Muturi oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Embu ayaa cid kasta oo aaminsan in ay xilka guddoomiyanimo ka xayuubin karto ka dalbaday in ay isku daydo.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ay Mr. Justin Muturi ku eedeyeen inuusan si ay daacadnimo ku dheehan tahay u hoggaamin karin baarlamaanka maadaama loo caleemo saaray afhayeenka gobolka bartamaha dalka.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xilka dhawaan loo dhiibay uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin waxqabadkiisa dhanka guddoonka baarlamaanka.