In ka badan 17 qof oo lagu dilay Yemen

0
601

Gantaal la rumeysan yahay in ay soo tuurtay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 qof.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Marib ee wadankaas.
Waxaa uu ku soo beegmay xilli wafdi ka socdo Cummaan uu soo gaaray Yemen si uu u kala dhexdexaadiyo kooxdan iyo dowladda.
Wasiirka warfaafinta ee Yemen Mucammar al-Eryani ayaa sheegay in falkaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 qof oo dheeraad ah.
Waxaa uu qaramada midoobay iyo Maraykanka ugu baaqay in ay weerarka cambaareyaan maadaama uu yahay dembi dagaal oo shacab lagu wax yeelayay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.
Tan iyo sanadkii 2014-kii waxaa Yemen ka jiray dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen in ka badan 130,000 qof halka malaayiin kale ay wajahayaan xaalad baniaadanimo oo adag.