Booliska Shiinaha oo xiray eedeysane ka dib weerar lagu dilay 6 qof

0
644

Ciidamada ammaanka ee dalka Shiinaha ayaa gacanta ku dhigay qof eedeysane ah oo lala xiriirinayo weerar mindi loo adeegsaday.
Weerarkaasi ayaa lagu dilay 6 qof halka 14 kale ay ku dhaawacmeen.
Shalay ayay ahayd markii falkan laga gaystay magaalada ku taalla bariga Shiinaha ee Anqing.
Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysanaha la qabtay ay da’diisu tahay 25 sano jir dad dukaameysanayay toori u adeegsaday isaga oo careysan , rajo xumo muujinaya sidoo kalena ka cabanaya xaaladda qoyskiisa oo aan wanaagsanayn.
Dadka dhaawacmay mid ka mid ah ayay xaaladiisa caafimaad liidataa.