Waxaa la filayaa in dowladda Kenya ay Turkiga kala soo wareegto 118 ah baabuurta gaashaaman oo ay adeegsan doonaan ciidamada difaaca wadanka ee KDF.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dagaalka ay Kenya kula jirto argagixisada.
Agabkan oo uu qorshuhu yahay in lagu helo labo sano gudahood ayaa laga soo iibsanayaa shirkadda laga leeyahay Turkiga ee Katmerciler.
Waxaa dowladda soo iibsashada qalabkan militari uga baxaya lacag dhan 7.7 bilyan oo shilin.
18-kii bishii hore ayay ahayd markii weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay Lamu ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada difaaca dalka sida ay afhayeenka KDF Zipporah Kioko ku xaqiijisay bayaan ay soo saartay.