Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena wa ay ku dhaawacmeen weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka iyo gantaallada ay ka geysteen Ukraine, sida uu sheegay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Weerarkan ayaa dhacay habeenkii Arbacada, iyadoo Zelenskyy uu ku sii jeeday Turkiga, halkaas oo uu rajeynayo inuu dib u soo nooleeyo wadahadallo ku saabsan soo afjaridda dagaalka uu sababay duullaankii Ruushka ee laba sano ka hor bilawday.
Ruushka ayaa isticmaalay in ka badan 470 diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo 48 gantaal sida uu sheegay Zelenskyy.




