Macallimiinta dalka oo la siinaya tababar ku saabsan manhajka cusub ee waxbarashada

0
468

Qaar ka mid ah macallimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada dalka ayaa qaadanaya tababar la xiriira hannaanka cusub ee tacliinta ee CBC.
Tababarka ayaa socon doono muddo hal toddobaad ah.
Xoghayaha waaxda qaabilsan dhaqangelinta manhajka cusub ee waxbarashada Prof. Fatuma Chege ayaa sheegtay in nidaamkan uu ardayda ka soo dhisaya dhanka xirfadaha.
Waxay intaasi ku dartay in ardaygu uu dugsiga dhameyn doono isaga oo leh aqoon ku filan.
Prof. Chege ayaa xustay in faa’iidooyinka laga helaya manhajka cusub ee CBC ay ka mid tahay in la ogaado hibada arday walbo iyo waxyaabaha uu si gaar ah ugu fiican yahay.
Xoghayaha ayaa dhanka kale ku baaqday in awoodsiin loo sameeyo macallimiinta iyo waalidiinta oo la fahansiiyo muhiimadda uu nidaamka cusub u leeyahay tayada waxbarashada ee dalka.