Uganda oo sii daysay muwaadiniin Kenyaan ah

0
164

Dowlada Uganda ayaa xuriyaddooda siisay Bob Njagi iyo Oyoo kuwaas oo gudaha waddanka Uganda ku xirnaa muddo 38 maalmood ka dib markii la waayay.
Siideynta waxaa fududeeyay isku-dubaridka hay’adaha maxalliga ah iyo ururada samafalka.
Abaarihii 1:00 subaxnimo, labada qof waxaa qaabilay Guddoomiyeyaasha ismaamulka Busia markii ay soo gaareen xuduudda.
Labada qof ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa la sheegay inay ku jiraan xaalad caafimaad oo deggan.
Shakhsiyaadkaas ayaa sidoo kale la xiriiray qoysaskooda si ay u hubiyaan badqabkooda iyagoo adeegsanaya hay’adaha Vocal Africa iyo Amnesty International, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay u doodista sii deyntooda.