DHAGEYSO:Barasaabka Kisumu oo sheegay in faa’iidooyin laga dhaxlay heshiiskii Raila iyo Uhuru

0
313

Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof. Peter Anyang’ Nyong’o oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinkii ay Kenya qaadatay madax bannaanida ayaa sheegay in gobolka Nyanza iyo si guud wadanka uu waxyaabo badan ka faa’iiday heshiiskii siyaasadeed ee madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa ODM Raila Odinga.
Waxaa uu sheegay in Nyanza si gaar ah ismaamulka Kisumu looga hirgeliyay mashaariic horumarineed oo dhowr ah.
Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la taageero hannaanka dowlad wadaajinta oo uu ku tilmaamay mid miro-dhal ah.
Sidoo kale waxaa uu hoggaamiyaha Kisumu xusay in tan iyo markii ay heshiiyeen labada mas’uul ay xasilooni buuxdo ka jirtay gudaha dalka.
Waxaa uu ku celceliyay in loo baahan yahay keliya dhaqangelinta qodobadii ay labadan siyaasi ku saleyeen is-afgaradkoodii oo ay ka mid yihiin mideynta shacabka, la dagaalanka musuqmaasuqa , qabyaaladda, doorashooyinka lagu kala qaybsamo, sinnaan la’aanta dhanka horumarka iyo arrimo kale.
Prof. Peter Anyang’ Nyong’o ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta uga mahadceliyay in sanadkan xuska Madaraka Day lagu qabanayo ismaamulka Kisumu.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhankiisa maamulka talada haya ee Jubilee ku ammaanaya inuu fuliyay mashaariic badan oo dhanka horumarka ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah kaabayaasha waddooyinka oo dhawaan laga hirgeliyay ismaamulka Kisumu.
Ruto ayaa ku celceliyay in horumarka dalka ka jiro ay caddeyn ku tahay in waxyaabo badan lagu tallaabsan karo hadii ay midnimo jirto.
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay taariikhda dalka u leedahay xuska Madaraka Day iyo doorkii ay halyeeyada wadanka ka soo qaateen helidda madax bannaanida.

Mr. Odinga ayaa sidoo kale  ka hadlay saameynta  ka dhalatay cudurka COVID19 oo ay ka mid tahay shaqo la’aanta waxaa uuna sheegay  in dowladda laga doonayo in ay  Kenyaanka  ka dulqaado culeyska dhaqaale isaga oo shacabka ugu baaqay  in ay  taageeraan  qorshaha sharci beddelka ee BBI.