Imtixaanada qaran ee dugsiyada hoose oo maanta si rasmi ah u bilawday

0
375

Imtaxaanada Qaran ee dugsiyada hoose sida Fasalka 6’aad (KPSEA) iyo Fasalka 9’aad( ee KJSEA) ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah uga bilawday guud ahaan dalka.
Xoghayaha Guud ee Waxbarashada Prof. Julius Bitok ayaa sheegay in wasaaraddu ay si buuxda ugu diyaarsan tahay habsami u socodka imtixaanada qaran.
Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno inaan diyaar u nahay inaan bilowno imtixaanada KPSEA iyo KJSEA.
Waa markii ugu horreysay ee aan yeelanno 1.1 milyan oo arday ah oo qaadanaya imtixaanka KJSEA kuwaas oo ku biiri doona fasalka 10aad,” ayuu yiri Bitok.
Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in dowladdu ay soo saartay dhammaan lacagaha lagama maarmaanka ah si loo fududeeyo imtixaannada wuxuuna ku boorriyay macallimiinta iyo kormeerayaasha inay si daacadnimo leh u sameeyaan qiimeynta imtixaanada.