Kenya oo looga dabaal degaya maalinka Madaraka Day

0
300

Waxaa maanta loo dabaal degayaa xuska qaran ee maalinka Madaraka Day oo sanad kasta la qabto koowda bisha lixaad.
Munaasabadda ugu wayn ayaa ka dhacaysa ismaamulka Kisumu waxaana xafladdaasi Kenyaanka ku hogggaamin doono madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waa sanadkii 58-aad ee ay Kenya u dabaal dagayso xilligii ay guumaystihii Ingiriiska ka qaadatay madax bannaanida.
Maadaama loo hoggaansamaya xeerarka lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona oo ay ka mid tahay kala fogaanshaha waxaa dabaal degga ka qayb galaya shakhsiyaad la casuumay keliya halka Kenyaanka ay khudbadaha kala soconayaan telefishinada dalka.
Munaasabadda ayaa lagu qabanayaa fagaaraha caalamiga ee Kisumu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here