Afghaanistaan iyo Pakistan oo ku heshiiyey xabbad joojin degdeg ah ka dib wadahadallo ka dhacay Dooxa

0
690

Afghaanistaan iyo Pakistan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin degdeg ah wadahadal ay dhexdhexaadinayaan Qatar iyo Turkiga ka dib toddobaad dagaal ba’an oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay xuduudka lagu muransan yahay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa goor hore oo Axadda ah sheegtay in labada waddan ee Koonfurta Aasiya ay ku heshiiyeen xabbad joojinta “iyo in la sameeyo habab lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida waarta ee labada waddan”.
Xukuumadda Dooxa ayaa sheegtay in labada dal ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay shirar dabagal ah yeeshaan maalmaha soo socda “si loo xaqiijiyo sii jirista xabad joojinta iyo xaqiijinta dhaqangelinteeda si la isku halayn karo oo waara”.
Raa’iisul wasaare ku xigeenka Pakistan ahna wasiirka arrimaha dibadda Isxaaq Dar ayaa soo dhaweeyay heshiiska, isaga oo ku tilmaamay “tallaabada ugu horreysa ee jihada saxda ah”.