Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Obama oo halyeeyay qaran ku tilmaamay Raila Odinga

0
525

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama ayaa si weyn u amaanay hogaamiyahii mucaaradka Kenya ee mudada dheer soo ahaa Raila Odinga, waxa uuna ku sifeeyay in uu yahay hogaamiye dhab ah oo u taagan dimoqraadiyada isla markaana astaan u ah adkeysiga iyo dib u heshiisiinta siyaasada Afrika.
War qoraal ah oo uu soo saaray aroornimadii hore Sabtida maanta ah, ayuu Obama ku ammaanay Odinga halgankii xorriyadda, caddaaladda, iyo dowlad wanaagga ee Kenya ee tobanaan sano socotay.
Waxa uu xusuustay in uu indhihiisa ku arkay sida ay uga go’an tahay Odinga in uu dalka u shaqeeyo, isaga oo inta badan midnimada qaranka iyo nabadda ka hormarinayay hamigiisa siyaasadeed.
Barack Obama madaxweynihii hore waddanka Mareykanka ayaa ka mid ah hogaamiyaasha caalamka oo si weyn uga tacsiyeeyay geerida Raila Odinga.
Madax badan oo ka kala socotay caalamka gaar ahaana qaarada Africa ayaa shalay dalka u yimid si ay tacsi ugu diraan qoyska Raila Odinga.
Si kastaba ahaate xukumada dalka ayaa lagu amaanay sida ay u sharaftay Raa’isul wasaarihii hore ee Qaranka Raila Odinga.