Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dhalashada muwaadin nimo ka xayuubiyay duqa magaalada Odesa Gennadiy Trukhanov, kadib markii lagu eedeeyay inuu haysto baasaboor Ruush ah.
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa taa badalkeeda u magacaabay maamul militari inuu la wareego maamulka magaalada ugu weyn dalka ee dekadda leh ee ku taal Badda Madow, taasoo ay ku nool yihiin dad gaaraya 1 milyan.
Ukraine waxa ay ka mamnuucday muwaadiniinteeda in ay sidoo kale dhalasho ka haystaan Ruushka, kaas oo duullaan baaxad leh ku qaaday Ukraine 2022-kii iyadhoo Trukhanov laga yaabaa in laga masaafuriyo dalka.