Taliyaha Militariga oo uga dhigay saraakiisha qorista wax isdaba marin

0
232

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta Jeneraal Charles Kahariri ayaa digniin culus u diray dhamaan ciidamada waddanka ee ku sugan gudaha si ay uga hortagaan falalka qoritaanka ee been abuurka ah.
Waxaa uu ka digay in askarigii lagu helo isagoo gacan siinaya ama ka qeyb qaadanaya qorsheyaal lagu qiyaameynayo dadka shacabka ah isagoo iska dhigaya in uu soo bandhigayo fursadaha shaqo qorista si deg deg ah shaqada looga eryi doono oo aan wax faa’iido ah helin.
Jeneraal Kahariri ayaa xasuusiyay ciidamada in qorista KDF-ta ay tahay mid xor ah, daah furan, si adagna loo maareeyo si sharciga waafaqsan, isagoo xusay in daacadnimada iyo asluubta ay weli yihiin tiirarka u ah adeegga ciidamada.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu shacabka uga digay inay feejignaadaan, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo ay ka shakiyaan ee sheeganaya inay boosaska shaqo qorista ku bixinayaan lacag.
Taliyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga rayidka iyo militariga (CIMIC) oo ah buundada u dhexeysa ciidamada iyo rayidka, isagoo xusay in KDF-ta ay sii wadi doonto taageerada ay bulshada ka siiso mashaariicda caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada.
Tallaabooyin noocaan oo kale ah ayuu sheegay in ay ka tarjumayaan sida ay uga go’an tahay Ciidamada horumarinta qaranka iyo xoojinta xiriirka rayidka iyo ciidamada.
Intaa waxa dheer, Jeneraal Kahariri ayaa waxaa uu ku dhiiri galiyay xubnaha adeega militariga iyo rayidkaba in ay qaataan dhir beerista taas oo qayb ka ah mas’uuliyada ka saaran ilaalinta deegaanka iyo nolol waarta.
Waxaa uu hadalkan jeediyay intii lagu guda jiray socdaalkiisa si uu u qiimeeyo diyaargarowga xuska maalinta KDF-ta ee sanadkan ka dhacayso xaruunta militariga ee Moi Barracks ee magaalada Eldoret Talaadada maanta ah.
Dabaaldegga ayaa lagu sharfayaa geesiyaashii ku dhintay iyaga oo gudanaaya waajibaadkooda, waxaana lagu xusaa kaalintii ay ciidamada ka geysteen nabadda, amniga, iyo horumarinta bulshada.
Madaxweyne William Ruto ayaa lagu wadaa inuu guddoomiyo xafladda.