Wasaaradda waxbarashada oo soo saartay jadwalka sanad dugsiyeedka ee 2026-ka

0
172

Wasaaradda Waxbarashada ayaa Isniintii soo saartay Jadwalka sanad dugsiyeedka 2026-ka, iyadoo ku dhawaaqday xilliga uu furmayo xilli dugsiyaadka koowaad ee 5-ta bisha Janaayo ee 2026-ka iyadoo la xiri doono 3-da April, taasoo ku beegan 13 toddobaad oo waxbarasho ah.
Wareegto uu saxiixay Xoghayaha Waxbarashada Aasaasiga ah ee wasaaradda Julius Bitok, ayaa muujisay in ardayda ay fasax 3 todobaad ah geli doonaan inta u dhaxeeysay 6-da April ila 24-ka April ka hor inta uusan bilaabmin xilli dugsiyaadka labaad ee sanadka.
Xilli dugsiyaadka labaad ayaa waxaa uu bilaaban doona 25-ka April waxaa uuna dhamaan doonaa 7-da August, iyadoo la qorsheeyay labo todobaad oo fasax dhexe ah oo socon doona 15-ka June ilaa 28-ka bishaas Juun iyo fasax saddex todobaad ah laga bilaabo 10-ka Agoosto ilaa 28-keeda.
Xilli dugsiyaadka saddexaad ee sanadka 2026-ka ayaa loo qorsheeyay inuu bilaawdo 24-ka Agoosto oo uu socdo ilaa 14-ka November oo ah 9 todobaad oo waxbaraso oo aysan ku jirin wax fasax dhexe ah.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay jadwalka imtixaanaadka qaranka, taasoo muujineysa in KCPE-da iyo KPSEA ay dhici doonaan inta u dhaxeysa 16-ka ilaa 19-ka bisha November, halka xilliga imtixaanka KCSE-da uu socon doono 23-ka bisha November ilaa 17-ka December 2026-ka.
Bitok ayaa waxaa uu faray dhammaan agaasimayaasha waxbarashada ee heer gobol, degmo, iyo maamul hoosaadyada inay xaqiijiyaan u hoggaansanaanta jadwalka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in jadwalka taariikhda uu la jaan qaadayo dadaallada Wasaaradda ee lagu soo celinayo waqtiyada waxbarashada caadiga ah ka dib markii uu caabuqa COVID-19 uu sababay khalkhal.