Madaxweyne Ruto oo jawaab ka bixiyay hadal uu dhawaan jeediyay xildhibaanka Kiharu Ndindi Nyoro

0
184

Madaxweyne William Ruto ayaa si kulul u canaantay xildhibaanka deegaan barlamaaneedka Kiharu Ndindi Nyoro oo dhawaan dhalaceeyay hindisayaasha dowladda ee mashruuca guryaynta la awoodi karo iyo barnaamijka dhallinyarada ee Nyota isaga oo sheegay in kuwa ka soo horjeeda mashaariicda aysan haysan wax kale oo lagu kalsoonaan karo oo ay ku hawlan yihiin hadal maran.
Isagoo ka hadlayay Isniintii intii lagu guda jiray furitaanka Wajiga Koowaad ee kaabayaasha iyo xarumaha magaalada casriga ah ee Konza Technopolis ee ismaamulka Machakos, Madaxweyne Ruto ayaa difaacay hindisayaasha tiirarka muhiimka ah ee ajendaha isbeddelka dhaqaale ee maamulkiisa.
Mashruuca guryeynta ee la awoodi karo iyo barnaamijka Nyota ayaa dhawaan dhaleeceyn kala kulmayay Nyoro, oo ku eedeeyay dowladda Kenya Kwanza inay muhiimad qaldan iska saartay barnaamijyada iyo qaadashada deyn shisheeye oo xad dhaaf ah.
Nyoro ayaa si gaar ah su’aal uga keenay qaabka maalgelinta ee Barnaamijka Nyota, kaasoo uu taageero Bangiga Adduunka. Hindisahan ayaa waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dhallinyarada nugul iyada oo loo marayo tababar xirfadeed, ganacsi, iyo taageero maaliyadeed.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Ruto ayaa hadalka xildhibaanka ku gacan seyray, isagoo ku adkeystay in marka dayn la soo amaahdo ay qeyb ka noqoneyso hantida qaranka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa ku eedeeyay dadka dhaleeceeya xukuumadiisa inay ka maqan tahay aragti dheer, isagoo sheegay in doodahooda hoose ay halis gelinayaan horumarka dalka.