
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa dadka isticmaalo tubaakada ugu baaqay in ay iska dhaafaan adeegsigeeda.
Waxaa uu shacabka gaar ahaan dhallinyarada ka codsaday in ay dowladda garab ku siiyaan sidii wadanka looga cirib tiri lahaa tubaakada.
Mr. Kagwe ayaa sheegay in ay kaashanayaan waaxyaha kala duwan ee ismaamullada si loo dhaqangeliyo tallaabooyin lagu xakameynaya baahida loo qabo iyo ka ganacsiga badeecooyinka la xiriira tubaakada.
Wasaaradda caafimaadka ayaa laga soo xigtay in sanad kasta ugu yaraan 8,100 qof oo Kenyaan ah ay u dhintaan cudurro la xiriira isticmaalka tubaakada.
Hasa ahaate waxaa maalin waliba isticmaalo 220,000 oo carruur ah iyo in ka badan 2,737,000 qof oo dad waaweyn ah.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo maanta caalamka looga dabaal degaya maalinka tubaako la’aanta ee sanad waliba la xuso 31-da bisha Shanaad ee May.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in sanad kasta in ka badan 8 milyan oo qof ay caalamka ugu dhintaan isticmaalka tubaakada.