Israa’iil ayaa qorsheyneysa inay burburiso waxa ka haray shabkada marinnada Xamaas ee hoos mara dhulka Qaza, iyadoo ku shaqeyneysa ogolaanshaha Mareykanka ka dib marka la isdhaafsado maxaabiista.
Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay in howlgalka lagu fulin doono “hab caalami ah” oo uu hoggaaminayo Maraykanka, kaas oo kafaala qaadaya xabad joojinta Qaza ee saddexda maalmood jirsatay.
Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa ka howlgasha shabakado marino oo hoos mara dhulka Qaza, taas oo u oggolaanaysa dagaalyahannadeeda in ay ka howlgalaan meel ka baxsan araga ciidamada Israa’iil.
Marinnada ayay kooxda u isticmaashaa si ay uga gudubto xayndaabka xudduudda ee Israa’iil, taasoo u ogalaanayso weeraro lama filaan ah ee laga fuliyo gudaha Israa’iil.
Kuwo badan oo ka mid ah marinnada ayaa lagu burburiyay dagaalka labada sano socday tan iyo 7-dii October 2023-kii.