DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay dhigiisa Burundi

0
608

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhigiisa wadanka Burundi Evariste Ndayishimiye iyo marwada koowaad ee dalkaasi Angeline Ndayubaha ku soo dhaweeyay madaxtooyada yar ee Kisumu.
Tani ayaa timid ka dib markii hoggaamiyaha Burundi uu Kenya ku yimid booqasho rasmi oo labo cisho ah.
Waxay labadan mas’uul guddoomiyeen shirar laba geesood ah oo ay ka qayb galeen wufuud matalaya dalalkooda.
Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in isaga iyo Evariste ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeya labada waddan.
Kenya iyo Burundi ayaa ku heshiiyay in dib loo cusbooneysiiyo is-afgarad la xiriiray iskaashiga oo ay wada saxiixdeen sanadkii 2008-dii.
Sidoo kale madaxda ayaa si wadajir ah qalinka ugu duugay heshiiyo ku saleysan arrimaha beeraha, xoolaha , kallumeysiga , adeegga dadweynaha , arrimaha dibadda , wada tashi siyaasadeed , waxbarashada ,cayaaraha, hidaha iyo dhaqanka iyo sidoo kale sare u qaadidda isdhexgalka bulshooyinka labada dal.
Labada dowladood ayaa ku heshiiyay xoojinta iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wasiirada ganacsiga ee Kenya iyo Burundi lagu amray xal u helidda caqabadaha dhanka ganacsiga .
Sidoo kale madaxdan ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka wada shaqeyaan isdhexgalka bulshooyinka iyo horumarka wadamada ka tirsan jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Maalinka berri ah ayaa lagu wadaa in ismaamulka Kisumu lagu qabto xuska 58-aad ee maalinka Madaraka Day oo ay Kenya u dabaal degto xilligii ay madax bannaanida ka qaadatay guumaystihii Ingiriiska.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in ay farxad u tahay in dhigiisa Burundi uu ka soo qayb galo xuska qaran ee berri