Taalibaan iyo ciidamada Pakistaan oo rasaas is weydaarsaday

0
298

Ciidamada Taalibaan iyo Pakistaan ayaa rasaas isku weydaarsaday xuduudka ay wadaagaan Afgaanistaan iyo Pakistan, taasoo keentay in Iiraan, Qatar iyo Sacuudi Carabiya ay ku baaqaan in la xakameeyo iska horimaadka, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay weerar xagga cirka ah oo horaantii toddobaadkan lagu qaaday caasimadda Afgaanistaan ee Kabul.
Enayatullah Khwarizmi, af hayeenka Wasaaradda Difaaca ee Afgaanistaan, ayaa sheegay goor dambe oo Sabtidii ah in ciidamada Taalibaan ay fuliyeen weerarro “aargoosi ah” oo ka dhan ah askarta Pakistan si ay uga jawaabaan “xadgudubyada soo noqnoqda” ee dalka deriska la ah, iyo duqaymaha cirka ee dhulka Afgaanistaan. Waxaa uu arrintan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X isagoo intaa ku daray in howlgalka uu soo dhamaaday saqdii dhexe ee xalay.
Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa weerarrada Afgaanistaan ku tilmaamay “kuwo aan laga fiirsan” waxaa uuna sheegay in ciidamada Pakistan ay kaga jawaabi doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado.