Trump iyo El Sisi oo maalinta Isniinta guddoomin doono shir madaxeedka Qaza

0
269

Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah El-Sisi iyo dhigiisa Mareykanka Donald Trump ayaa shir guddoomin doona shir caalami ah oo looga hadlayo soo jeedinta Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil ee Qaza taasoo ka dhaci doonto Isniinta berrito ah magaalada Sharm El-Sheikh.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka kala socota in ka badan 20 dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar Sabtidii shalay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo Raa’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa sheegay inay ka soo qeyb galayaan, iyagoo ay weheliyaan Raa’iisul Wasaarahaa Talyaaniga Giorgia Meloni iyo dhigeeda Spaanishka Pedro Sanchez. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale xaqiijiyay ka soo qayb galkiisa.
Ilaa hadda ma cadda in raa’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ama wakiillo ka socda kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, ay ka soo qaybgeli doonaan shirka.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay iyadoo tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ay dib ugu soo laabanayaan magaalada Qaza ka dib markii uu dhaqan galay wajigii kowaad ee heshiiska xabad joojinta.