DHEGEYSO:Dadka deegaanka Kiganjo oo bannaanbax sameeyay ka dib geerida mid ka mid ah shacabka ku nool deegaankaas

0
273

Nin 30 jir ah ayaa la sheegay in uu ku dhintay gacanta booliiska iyadoo xaaladan ay dhalisay muran taasoo ka dhacday xarunta Kiganjo ee deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu.
Qofka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Paul Njuguna ayaa lagu soo waramayaa in uu dhintay wax yar kadib markii ay xireen ciidamada oo ku eedeeyay inuu sitay xashiish.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in saraakiisha saldhigga booliiska ee Kiganjo inay jirdil u geesteen ninka geeriyooday ka hor inta ay u taxaabin saldhigga.
Dhacdadan ayaa dib u soo celisay baaqyo ku aaddan in booliiska lala xisaabtamo, iyadoo shacabka careysan ay saraakiisha ku eedeeyeen falal naxariis darro ah iyo ku takri fal awoodeed.
Dadka deegaanka oo careysan ayaa dalbanaya in mid ka mid ah iyaga uu helo cadaalad, xitaa iyadoo booliiska ay beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay.
Si kastaba ha ahaatee, guddoomiye ku xigeenka ammaanka ee dowladda dhexe ku matasho deegaanka Koonfurta Gatundu Rose Chege ayaa uga digtay saraakiisha booliiska inay adeegsadaan awood xad dhaaf ah, marka ay xirayaan dadka Kenyaanka ah.