Tuhmanayaasha ayaa la ogaaday in ay ku xiran yihiin shabakada caalami ah oo ka ganacsata daroogada.
Ragan oo lagu kala magacaabo Rashid Abdulrahman iyo Mucamar Mohamed ayaa la qabtay iyagoo maandooriye marinaya garoonka diyaardaha caalamiga ah ee JKIA.
Sido kale waxaa iyagana la xiray Eedeysanayaasha kala ah Aadan Cumar iyo Xaajinuur Yuusuf.
Booliiska ayaa lagu amray in ay Xabsiga ku sii hayaan ilaa 29-ka bishan inta mar kale laga soo taagaya maxkamada.