Ra’isul wasaarihii dalka Faransiiska oo xilkiisa iska casilay

0
132

Raysalwasaarahii dalka Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa iscasilay saacado un kaddib markii golihiisa wasiirrada la shaaciyay.
Qasriga Elysée ayaa ku dhawaaqay arrintaas kaddib kulan saacado qaatay oo uu Lecornu la yeeshay Madaxweynaha Emmanuel Macron subaxnimadii Isniinta.
Tallaabadan lama filaanka ah waxay timid kaliya 26 maalmood kaddib magacaabistiisa oo daba socotay markii ay dhacday xukuumaddii uu hoggaaminayay François Bayrou.
Xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka (National Assembly) ayaa si xooggan u dhaliilay golaha wasiirrada ee uu Lecornu soo dhisay, , waxayna xisbiyadu ku hanjabeen in ay codka kalsoonida ka qaadi doonaan.