Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xildhibaanka Ceeldaas oo ku baaqay in dowlad wadaajinta looga faa’iideeyo shacabka

DHAGEYSO:Xildhibaanka Ceeldaas oo ku baaqay in dowlad wadaajinta looga faa’iideeyo shacabka

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer ahna xoghayaha isku xiro siyaasiyiinta Jubilee ee baarlamaanka iyo aqalka sare Aadan Keynaan Weheliye ayaa hoggaamiyaasha waqooyi bari ka codsaday in ay xaqiijiyaan sidii dadweynaha ku nool deegaanadooda ay uga faa’iidaysan lahayeen nidaamka dowlad wadaajinta.
Waxaa uu baaq gaar ah u diray barasaabyada iyo wakiillada golayaasha hoose.
Aadan Keynaan ayaa xusay in ujeedadii laga lahaa maamulka la daadajiyay ay ahayd in la horumariyo dhammaan deegaannada wadanka.
Waxaa uu xusay in hadii madaxda waqooyi bari ay sida habboon u isticmaalaan dhaqaalaha dowladda dhexe ay u qoondeyso ismaamullada , Wajeer, Garissa iyo Mandera ay dhanka horumarka kala sinnaan karaan magaalada Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka carabta.
Mudanaha Ceeldaas ayaa sidoo kale ku taliyay in siyaasiyiinta xoolo dhaqatada aynan ka maqnaan miiska wada-hadalka oo ayna si weyn uga qayb qaataan isbeddellada dalka ka socdo oo uu ka mid yahay qorshaha BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments