Dowladda Yemen oo beesha caalamka ku boorisay inay qaatan go’aan adag oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta

0
192

Dowladda Yemen ayaa ku boorisay beesha caalamka iyo golaha xuquuqul insaanka inay qaataan go’aan adag oo ka dhan ah xadgudubyada halista ah ee Xuuthiyiinta ay u geystaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha samafalka.
Waxaa ay sidoo kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadida dib u habaynta dhaqaalaha iyo maamulka iyo xoojinta qaab dhismeedka xuquuqul insaanka.
Khudbad uu jeediyay wasiir ku xigeenka sharciga iyo xuquuqul insaanka Maxamad Basurrah intii lagu guda jiray kalfadhiga 60-aad ee golaha xuquuqul insaanka ee ka dhacay magaalada Geneva dalka Switzerland, dowladda Yemen ayaa waxaa ay ku nuuxnuuxsatay baahida degdega ah ee loo qabo taageero farsamo, kaalmo, iyo awood dhis si ay awood ugu siiso hay’adaha dowliga ah inay gutaan waajibaadkooda xuquuqul insaanka iyo wax ka qabashada caqabadaha sii kordhaya.
Dowladda ayaa waxaa kale oo ay ku baaqday in la dhiiri geliyo oo la taageero Guddiga Qaran ee baarista eedaymaha ku xad gudbida Xuquuqul Insaanka (NCIAVHR) si ay howshooda u sii wataan si madax banaan oo dhexdhexaad ah.