Wiilka uu soddogga u yahay Donald Trump iyo erga sare ayaa ku wajahan Masar si ay u soo gabagabeeyaan faahfaahinta sii deynta maxaabiista, iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu ka digay in uusan u dulqaadan doonin dib u dhac ay Xamaas ku sameyso fulinta heshiiska nabadeed ee ay la gashay Israa’iil.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Jared Kushner iyo ergeyga Trump ee Bariga Dhexe Steve Witkoff ay u safreen gobolka si ay uguda galaan dhammaystirka faahfaahinta sii deynta maxaabiista iyo inay ka wada hadlaan heshiiska uu soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo colaadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Xamaas.