Dowladda Mareykanka oo nin Kenyaan ah ku eedeeysay xatooyada agab caafimaad oo ay maalgelisay hay’adda USAID

0
506

Dowladda Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogtay nin 40 jir ah oo oo dhalasha ahaan ka soo jeeda Kenya, kadib markii lagu eedeeyay inuu maleegayay xatooyo sahay caafimaad ah oo malaayiin doolar oo ay leedahay hay’adda KEMSA.
Baaritaan ay sameeyeen mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa lagu ogaaday in ninkan da’a dhexaaadka ah uu la shaqeynaayay nin kale oo u dhashay Guyana si uu u xado xirmooyinka baaritaanka HIV-ga iyo badeecadaha kale ee caafimaad oo ay dowladda Mareykanka ugu deeqday Kenya.
Dowladda Mareykanka ayaa sahay caafimaad oo ku kacaya 83 bilyan oo shillinka dalka ah ku bixisay barnaamijka USAID si dalka looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS-ka.
Eedeysanaha Kenyaanka ah ayaa ka faa’iideystay fursadaasi, waxaa uuna furay shirkad diiwaan gashan oo lagu eedeeyay in ay xaday qalabka lagu baaro HIV-ga oo loogu talagalay dadka xanuunsan ee dalka.
Ka dib markii uu helay warqadda, 42-sano jirku wuxuu qandaraas ka helay Wasaaradda Caafimaadka ee Guyana si uu u qaybiyo badeecooyinka la ga xaday hay’adda KEMSA.
Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa maxkamadda u sheegay in intii u dhaxeysay 2015 iyo 2019, muwaadinka Guyana uu siiyay dhiggiisa Kenya in ka badan 22 milyan oo shillin 177,000 oo doolarka Mareykanka si uu uga iibsado agabka baaritaanka HIV oo ay bixisay USAID looguna talagalay Kenya.
Haddii dambiga lagu helo, tuhmanaha Kenyaanka ah waxaa uu halis ugu jiraa xabsi ilaa 20 sano ah, ganaax lacageed ama xitaa shuruudo la kormeero oo lagu sii daayo taasoo keeni karta in dhaqdhaqaaqiisa la xaddido.
Si kastaba ha ahaatee, dacwad oogayaasha ayaa ku nuuxnuux saday in labadan shaqsi ay yihiin kuwa la tuhunsan yahay oo kaliya, isla markaana loo maleynayo in ay yihiin kuwo aan wax dambi ah laheyn haddii aan lagu cadeyn dambiga.