Wasiir Ogamba oo ku dhawaaqay in cunaqabatayn adag lagu soo rogi doono ardayda rabshadaha ka wado dugsiyada

0
424

Wasiirka wasaarada waxbarashadda Julius Ogamba ayaa sheegay in ardayda lagu helo dambiyada sida gubista, xatooyada, ama burburinta hantida loo wareejin doono xarumo gaar ah si ay ugu fariistaan imtixaanada shahaadiga ah ee waxbarashadda sare ee (KCSE).
Dowladda ayaa waxaa ay ku dhawaaqday tallaabooyin adag oo anshax marin ah oo laga qaadayo ardayda ku kacda falalka xun, oo ay ka mid tahay in ardeyda fasalada afaraad laga mamnuuco inay gudaha u galaan imtixaannada qaran ee dugsiyadooda.
Waxaa uu xusay in ardayda iyo waalidiintaba looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dhageysiga anshaxa si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka.
Hadalkiisa ayaa waxaa uu daba socdaa qalalaase baahsan oo hareeyay iskuulo dhowr ah, kuwaas oo qasabtay in albaabada loo laabo, isla markaana sababay qasaare hantiyeed oo malaayiin shilin ah.
Wasiirka ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey, in ardayda ka masuulka ah falalka dambiyada aan loo ogolaan doonin in ay sii wataan waxbarashada dugsiyadooda iyada oo laga dhigaayo inaysan waxbo dhicin.
Ogamba ayaa waxaa uu sharaxay in nidaamka edbinta la raaco ka hor intaysan dhicin cayrinta.
Wasiirka waxa kale oo uu daaha ka qaaday in dhowr arday oo lagu tuhunsan yahay in ay gubeen qolal ka la seexdo iyo xatooyo loo xiray oo ay booliiska gacanta ku hayaan.
Xoghayaha waxbarashadda aasaasiga ah Julius Bitok ayaa xoojiyay digniinta, isagoo sheegay in awaamiir cad la siiyay saraakiisha waxbarashadda maxalliga ah si ay u feejignaadaan.
Mr. Bitok ayaa waxaa uu ugu baaqay waalidiinta, culimada, iyo macallimiinta inay door firfircoon ka ciyaaraan sidii looga hortagi lahaa qalalaase kale.