50 qof oo lagu dilay weerarada Israa’iil ee Qaza

0
488

Ugu yaraan 50 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan shan gargaar-doon ah, ayaa ladilay 184 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee ka dhacay marinka Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu xafiiska Oval Office kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaddib soo jeedintii Mareykanka ee ahaa in la joojiyo dagaalka Gaza.