DHAGEYSO:Madarasooyinka waqooyiga Mandera oo loo uruuriyay in ka badan 34 milyan oo shilin

0
311

Waxaa magaalada Nairobi gaar ahaan maqaaxida Redcourt lagu qabtay xaflad lacag dhan 34,560,900 oo shilin loogu uruuriyay madarasooyinka deegaan baarlamaneedka waqooyiga Mandera.
Barasaabka ismaamulkaasi Cali Ibraahim Roba oo munaasabaddan marti sharaf ka ahaa ayaa sheegay in laga soo gudbay waayihii lagu tiirsanaa deeq bixiyaasha si ay u dhisaan xarumaha diimeed.
Waxaa xafladda lacag uruurinta ka qayb galay siyaasiyiin hadda xilal haya , kuwo hore , ganacsato iyo culimaaudiin.
Guddoomiyaha Mandera iyo xildhibaanka waqooyiga dowlad deegaankaas Bashiir Cabdullahi ayaa u mahadceliyay cid kasta oo wax la baxday.
Cali roba ayaa ku dhawaaqay lacagta halkaasi laga uruuriyay

Dhanka kale xoolo dhaqatada ku nool waqooyiga dalka ayaa loogu baaqay in ay nabadda ku dadalaan oo ayna garab siiyaan dadaallada saraakiisha ammaanka si looga adkaado kooxaha gaysta falal dambiyeedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here