Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, oo ay ku jirto gabar 12 jir ah halka 14 kalane ay ku dhaawacmeen, ka dib markii Ruushka uu weerar weyn oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv iyo gobollada ku xeeran.
Digniin dhanka cirka ah ayaa ka dhacday gobolka Kyiv subaxnimadii hore ee Axadda, iyadoo maamulka militariga maxalliga ah uu sheegay in Ruushka uu ku weerarayo diyaarado iyo gantaallo.
Madaxa maamulka militariga Kyiv, Tymur Tkachenko, ayaa sheegay in natiijooyinkii hore ay ogaadeen saddex dhimasho, kuwaas oo si degdeg ah loo cusbooneysiiyay ka dib markii meyd kale la helay.
Tkachenko ayaa ku qoray barnaamijka fariimaha Telegram-ka in in ka badan 15 goobood ay waxyeelo ka soo gaartay weerarrada ba’an, oo ay ku jiraan “duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen dhismayaal dabaqyo ah oo la deggan yahay”.
Dhankiisa Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku tilmaamay weerarrada “kuwa arxan darro ah” oo socday “in ka badan 12 saacadood”.