Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa sheegtay in xuska maalinka Madaraka Day ee sanadkan lagu qaban doono fagaaraha caalamiga ee Jomo Kenyatta International Stadium ee ismaamulka Kisumu.
Dabaal deggan ayaa sanad kasta la qabtaa 1-da bisha lixaad oo Talaadada ku began.
Hasa ahaate cudurka COVID19 awgii waxaa sanadkan ka qayb galaya tiro yar oo shacab ah.
Afhayeenka madaxtooyada Kenya Kanze Dena Mararo ayaa sheegtay in ka soo qayb galayaasha ay yihiin shakhsiyaad la casuumay.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa dadweynaha ugu baaqay in ay u hoggaansamaan xeerarka dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagula tacaalaya cudurka .
Waa sanadkii 58-aad oo ay Kenya u dabaal dagayso xilligii ay heshay madax bannaanida ka dib guumaysigii Ingiriiska.