DHEGEYSO:Maandooriye sharci darro ah oo lagu gubay Wajeer

0
381

Ciidamada Amniga iyo Maxkamadda Hoose ee Wajeer ayaa saacadihii la soo dhaafay Gubay Xashiish iyo Qamri Qiimahoodu Gaarayo Saddex Milyan oo Shilinka dalka ah.
Ciidamada Booliska ayaa horay gacanta ugu dhigay khamri iyo xashiish sharci darro ah ka dib xog ay ka heleen dadweynaha Wajeer.
Laamaha amniga iyo Maxkmada hoose ee Wajeer ayaa sheegay in ay wali la dagaalami doonaan maandooriyaha sharci darrada iyagoona Bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan.

Guddiga Maxkmada Wajeer oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in dad loogu xukumay ka ganacsiga daroogada.