Shir ay marti gelinayaan Kenya iyo Faransiiska oo lagu qaban doono Nairobi

0
630

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo 11-ka ilaa 12-ka bisha Shanaad ee May ee sanadka 2026-ka uu magaalada Nairobi ka qabsoomo shir ay si wadajir ah u marti gelinayaan dowladaha Kenya iyo Faransiiska.
Kulanka ayaa ku saabsanaan doono iskaashiyada dhanka hal-abuurka iyo kobaca ee ka dhexeeynaya Faransiiska iyo dalalka qaaradda Afrika.
Waxaa ka qayb geli doono hoggaamiyaasha dowladeed sida la shaaciyey ka dib wada hadal ay yeesheen madaxweynaha dalka William Ruto iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron oo ku kulmay magaalada New York ee Maraykanka.
Ruto ayaa bayaan ku sheegay in shirweynaha qorsheysan uu muujinaya xoojinta xiriirrada ka dhexeeya Kenya iyo Faransiiska si loo dardargeliyo hadafyo caalami ah.
Sida bayaanka ku cad, kulanka ayaa sidoo kale lagu eegi doonaa isbeddelka lagu sameynaya heykalka maaliyadeed ee dunida , tamarta, warshadeynta, kheyraadka badaha, garaadka macmalka , caafimaadka iyo tabcashada beeraha ee waarta.