Wasiirka arrimaha gudaha oo kulan ku qabtay Garissa

0
634

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa gaaray ismaamulka Garissa oo lagu qabanaya kulan amni.
Fadhiyadan oo loogu magacdaray Jukwaa La Usalama ayaa horay uga dhacay dhowr ka mid ah dowlad deegaannada waddanka oo ay ugu dambeeyeen Mandera iyo Wajeer.
Murkomen ayaa qoraal ku sheegay in markii uu gaaray Garissa inuu indhaindheeyay howlaha lagu dayactiraya garoonka yar ee diyaaradaha ee magaalada Garissa.
Waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja, ku xigeenkiisa sidoo kalena hoggaamiyo booliiska maamulka ee AP-da, Gilbert Masengeli, agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI, Maxamad Ibraahim Aamiin , taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU ,Ranson Lolmodooni, xoghayaha maamulka sare Beverly Opwora, guddoomiyaha maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA Axmad Isaaq Xasan , madaxa fulinta ee maamulka ololaha qaran ee ka dhanka ah daroogada ee NACADA Dr. Anthony Omerikwa, xoghayaha diiwaangelinta qaran Dr .Christopher Wanjau, iskuduwaha dowladda dhexe ku matalo gobolka Waqooyi Bari John Otieno, taliyaha booliiska ee gobolka Pepita Ranka, taliyaha ciidamada booliiska maamulka ee AP-da ee Waqooyi Bari Cabdi Argamso ,guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Garissa Maxamad Mwabudzo iyo saraakiil kale oo sare.