Madaxa xisbiga Wiper oo SHA la xiriiriyay shirkadda Adani

0
627

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Patriotic Front Kalonzo Musyoka ayaa caymiska caafimaadka bulshada ee (SHA) la xiriiriyay shirkadda Adani ee dalka India ee la doonayay in ay dayactirto gagida caalamiga ee diyaaradaha ee (JKIA) ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu mashruucaasi ku tilmaamay mid gebi ahaanba fadeexad ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshuhu uu ahaa in ajaaniib ay ka macaashaan heshiisyada Adani taaso aan lagu tixgelin canshuur-bixiyeyaasha.
Madaxa Wiper ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay dabagal ku sameeyaan sida uu hadalka u dhigay danaha qarsoon ee laga leeyahay caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeeyay inuu dedejiyay dhaqangelinta barnaamijkan.
Kalonzo ayaa ku dooday in sida habboon aan loo wajihin geeddisocodkii looga gudbay caymiskii hore ee NHIF.