DHEGEYSO:Qoyska nin ku geeriyooday saldhigga booliiska ee Mombasa oo eedeyn u jeediyay booliiska

0
196

Qoyska Simon Warui oo ku dhex geeriyooday saldhigga booliiska ee bartamaha Mombasa ayaa cadaalad dalbanaya.
Waxay shaki geliyeen natiijada baaritaan qalliin ah oo lagu sameeyay meydkiisa oo lagu sheegay inuu qoorta ka jabay, ay neefta ku dhegtay sidaasina ku geeriyooday.
Waxaa warbixinta baaritaanka lagu xusay in Simon ay sidoo kale dhaawacyo soo gaareen maadaama uu ka soo dhacay meel sare.
Hasa ahaate , xubnaha qoyskiisa ayaa booliiska ku eedeynaya in aynan xaaladda si dhab ah uga warramin oo ay xaqiiqada daboolayaan.
Waxay doonayaan in la sameeyo baaritaan qoto dheer oo lagu xaqiijinaya sababihii keenay in Simon uu ku dhex geeriyoodo xabsiga.
Waxaa arrintan ka hadlay Paul Wachira oo ka mid ah ehellada Simon iyo xaaskiisa Mary Njeri.

Madaxa fulinta ee hay’adda u ololeysa xuquuqul aadanaha ee Vocal Africa , Xuseen Khaalid ayaa dalbaday in lala xisaabtamo taliyaha booliiska ee saldhigga bartamaha Mombasa iyo dhammaan ciidamadii shaqada ku jiray xilligii uu geeriyooday Simon.
Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) ayaa ballan qaaday inuu dardargelin doono baaritaannada ku aaddan geeridii Simon.
IPOA ayaa intaasi ku dartay in ay heshay muuqaal ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV-da oo gacan ka gaysan doono in la ogaado xaqiiqada.