Madaxweynaha dalka Dr.William Ruto oo khudbad ka jeediyay kal-fadhiga 80-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay ayaa xusay in ay qasab tahay in isbeddel lagu sameeyo jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Ruto ayaa ku dooday in ay lagama maarmaan tahay casriyeynta golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC.
Sidoo kale , waxaa uu ku taliyey in dib loo habeeyo hannaanka maaliyadeed ee dunida oo sida uu hadalka u dhigay muhiim u ah nabad galyada , wax ka qabashada isbeddelka cimillada iyo horumar siman oo la gaaro.
Madaxweynaha qaranka ayaa xusay in ay naadir tahay in hay’adaha ay fashilmaan hiigsi la’aan awgeed balse ay noqdaan kuwo aan saameyn lahayn marka ay ka gaabiyaan in ay tallaabo qaadaan.
Waxaa uu dhanka kale codsaday in beesha caalamka ay xalliso caqabadda dhaqaale ee uu wajahaya howlgalka nabadsugidda dalka Haiti ee ay hoggaaminayaan ciidamada Kenya.
Dr. Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in qaaradda Afrika aynan matalaad dhameystiran ku lahayn golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Waxaa uu tilmaamay in dunida inteeda kale ay la-hayste u tahay codad soo jireen ah.