EACC oo xabsiga dhigtay diiwan hayaha dhulalka ee Busia

0
382

Guddiga Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC), oo adeegsanaya Xafiiskiisa Gobolka Galbeedka, ayaa xiray Diiwan hayaha Dhulalka ismaamulka Busia oo lagu eedeeyay inuu dalbaday laaluush dhan 10,000 oo shillinka dalka ah si uu u sii daayo warqadda lahaanshaha dhulka.
Collins Aiela Liyayi ayaa la qabtay Talaadadii ka dib cabasho ka timid dadka Busia ee ku saabsan in ninkan uu jecel yahay inuu reebto waraaqaha la haansha dhulalka si uu dadka deegaanka uga qaato lacag siidayn ah.
EACC ayaa waxaa ay sheegtay in Liyayi loo gudbiyay Xafiiska Gobolka Galbeedka ee EACC ee magaalada Bungoma halkaas oo laga diiwaangeliyay ka hor inta aan la dhigin xabsiga Saldhigga Booliiska ee Bungoma iyada oo la sugayo baaritaan dheeraad ah maanta.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah laaluushka ee ka dhaca xafiisyada dowladda.