Maxkamada sare ayaa cadeysay in guddoomiyaasha dowlad deegaannada ay si buuxda mas’uuliyad uga saaran tahay dhamaan howlaha wax soo iibsiga ee deegaannada ayna tahay inay xaqiijiyaan in si adag loogu hogaansamo sharciga.
Waxaa go’aanka si wada jir ah u soo saaray garsoorayaasha kala ah Jacqueline Kamau, William Musyoka, iyo Alice Bett iyagoo ku nuuxnuuxsaday in guddoomiyayaasha ay kormeeraan xubnaha guddiga fulinta ee mas’uulka ka ah maaliyadda, iyaga oo ugu dambeyntii ka dhigaya inay la xisaabtamaan wax soo iibsiga ismaamulka ee hoos yimaada sharciga wax soo iibsiga dadweynaha iyo hantida (PPAD).
Maxkamadda ayaa waxaa ay sidoo kale xoojisay xaqa ay senatarada u leeyihiin inay helaan macluumaadka gobolka, iyadoo sheegtay in dowlad deegaannada sharci ahaan looga baahan yahay inay si degdeg ah oo lacag la’aan ah u bixiyaan tafaasiisha noocaas ah, sida ku qeexan sharciga helitaanka macluumaadka.
Kiiska ayaa waxaa uu daba socdaa codsi uu gudbiyay bishii April 2024 Senator-ka ismaamulka Busia Okiya Omtatah oo ka dhan ah Guddoomiyaha dowlad deegaankaas Paul Otuoma, oo diiradda saaraya kharashaadka la xiriira Beerta Trailer ee Mundika iyo qaybinta suuqyada cusub.
Senator-ka ayaa codsaday dukumentiyo ku saabsan qandaraasyada, soo iibinta, burburinta dhismayaashii hore, iyo naqshadeynta kuwa cusub, isagoo ku dooday in daah furnaanta ay lagama maarmaan u tahay isla xisaabtanka dadweynaha.
Guddoomiye Otuoma ayaa ku dooday in gelitaanka diiwaannada qaar laga heli karo guddiga xisaabaadka dadweynaha ee aqalka Senate-ka iyo in dukumentiyada qaarkood laga dhaafo sharciga PPAD iyo Xeerka Helitaanka Macluumaadka.
Garsoorayaasha ayaa diiday hadalka guddoomiyaha, iyaga oo ku nuuxnuuxsaday in dhammaan muwaadiniinta ay xaq u leeyihiin inay helaan macluumaadka xafiisyada dowladda, marka laga reebo xaalado si ciriiri ah loo qeexay sida amniga qaranka, madaxbannaanida garsoorka, badbaadada shakhsi ahaaneed, ama xogta ganacsiga ee xasaasiga ah.
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo go’aamisay in barasaabyada ay mas’uuliyad ka saaran tahay wax soo...