Ruto oo qiray dawladnimada Falastiin isagoo ballan qaaday in uu taageeri doono wadahadallada nabadda

0
299

Madaxweyne William Ruto ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada baaqa ah in xal laba dawladood ah laga gaaro xiisadda ka dhex taagan Israa’iil iyo Falastiin, taasoo ay dagaalo ka dhaceen marinka Qaza tan iyo bishii Oktoobar 2023.
Isagoo ka hadlayay shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York, Madaxweyne Ruto ayaa waxaa uu sheegay in Kenya ay ku adkeysaneyso baaqeeda nabadeed ee gobolka iyo guud ahaan caalamka, waxaa uuna ku baaqay in la soo afjaro colaadda Bariga Dhexe.
Inta badan dowladaha Afrika ayaa waxaa ay muddo dheer u aqoonsanayeen Falastiin inay tahay Dowlad madax bannaan.
Sida laga soo xigtay shirkadda World Population Review, 52 ka mid ah 54 dal ee Afrika ayaa u aqoonsan Falastiin inay tahay Dowlad marka laga reebo Cameroon iyo Eritrea.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la dhiso dowlad madax bannaan oo Falastiin ah.
Dhanka caalamka Faransiiska ayaa ku biiray liiska sii kordhaya ee dalalka aqoonsaday dowladnimada Falastiin sida Ingiriiska, Australia, Canada, Portugal, Andorra, Belgium, Luxembourg, Malta, Monaco iyo kuwo kale.
Waddamada dheeraadka ah ee aqoonsaday Falastiin ayaa hadda ku biiray ilaa 147 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Falastiin bishii April ee sanadkan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidoo kale ku celceliyay inuu taageersan yahay xalka labada dal, isagoo u qaabeeyay inay tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo nabadda ka dib sannado badan oo wadahadallo ah oo fashilmay iyo dagaalo daba dheeraaday.